About us

Barnaamijka Maalmaha Dunida waa barnaamij looga hadlo arrimaha kala duwan ee saameynta ku leh dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay Adduunka ka joogaan. Waxaana saldhig u ah wacyi-gallinta & dhiiri-gallinta bulshada Soomaaliyeed.

Fikradda barnaamijka Maalmaha Dunida waxa ay soo billaabatay sanadkii 2020-kii, waxaana la hirgalliyay sanadka 2021-ka. Wuxuu barnaamijka Maalmaha Dunida uu si gaar ah diiradda u saari doonaa arrimaha:

– Dhiiri-gallinta bulshada.
– Taariikhda dalka iyo dadka.
– Nolosha Qoyska & Qurbaha.
– Dhacdooyinka saameynta leh.
– Sheekooyinka & Madadaalada.
– Warbixinada Wararka Caalamka.
– Ciyaaraha, Ganacsiga & Dhaqaalaha.
– Barnaamijyada Amniga & Siyaasadda.
– Fariimaha & Fikradaha Baraha Bulshada.
– Wareysiyada dadka ku dayashada mudan.

Barnaamijka Maalmaha Dunida wuxuu fursad siin doonaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo hello barnaamijyo dhexdhexaad ah, loona hadlo barnaamijyo ka dheeli-tiran dhinac walba.

Haddii aad dooneysid in aad ka qeyb qaadatid barnaamijka, ama aad nala wadaageysid sheekooyin gaar ah, waxa aad nagala soo xiriir kartaa:

Email: info@maalmahadunida.com
Website: www.maalmahadunida.com